Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay waqtiga lasoo celin doono Ciidamadii Soomaaliyeed Dalka Erateria lagu tababarayey.

Madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay xilliga lasoo celinaayo ciidamada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhammaadka bishan December ay soo billaaban doonaan ciidamadan, bisha January dhexdeedana ay soo dhammeystirmi doonaan, hadalkaas oo farxad ku abuuray dhammaan waalidiinta dhalay wiilashaas iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadan oo gaaraya 5 kun oo askari ayuu qorshuhu yahay in ay ka qeybqaataan xoreynta dalka, waxaana sii dheer ciidamado kale oo gaaraya illaa 3 kun oo dhawaan loo qaaday dalka Uganda, kuwaas oo bisha February dalka dib loogu soo celin doono.

Imaashiyaha ciidamadan kala duwan ayaa sannadka cusub ka dhigi doonto mid gacanta dowladda soo galin doono dhulkii ugu badnaa oo al shabaab muddo badan maamulayeen, waxeyna dadka sida dhow ula socdo ciidamadan maqan aaminsanyihiin in waayihii kooxda AS uu soo idlaaday billawga hore ee sannadkan dhalan doono maalmo uun ka dib.