Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), kaas oo uu ka dhageystay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan horumarka iyo guulaha laga gaaray ololaha doorashooyinka ee ka socda degmooyinka kala duwan ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta heerka uu marayo abaabulka doorashooyinka, wacyigelinta bulshada, iyo dadaallada lagu xoojinayo taageerada ururka ee guud ahaan dalka. Mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada ururka ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno la xiriira howlaha socda iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyey mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada Ururka dadaalka iyo abaabulka ay muujiyeen, isaga oo ku booriyey in ay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan xoojinta wacyigelinta bulshada, mideynta taageerayaasha, iyo ballaarinta howlaha ururka si loo gaaro himilooyinka siyaasadeed ee la hiigsanayo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyey in musharixiinta heerarka kala duwan ee doorashooyinka isku sidkan ee dalka ka dhacaya ay ku tartami doonaan si waafaqsan xeer-hoosaadka, nidaamka iyo habraacyada rasmiga ah ee Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP), si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, cadaalad ah, isla markaana ka tarjumaya dimuqraadiyadda dalka.
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa mar kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaad gaar ah, isaga oo xusay in muwaadin kasta oo leh hami siyaasadeed uu ku kalsoonaado codka iyo go’aanka shacabka, si loo helo nidaam dimuqraadi ah oo dhab ah.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyey is-afgarad ku saabsan dardargelinta howlaha ururka iyo xoojinta wada shaqeynta, si loo gaaro doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka ka hirgala.