Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud tababar ugu soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo ku dhow hal sano halkaasi ku qaadanayay tababarka aasaasiga ah ee ciidanka.
Ciidamadan oo laga soo kala qoray dhammaan gobollada dalka ayaa noqonaya ciidamadii ugu badnaa ee heerkan tababar ku qaata gudaha Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe. Intii ay ku jireen tababarka ayaa askartu barteen xirfadaha aasaasiga ah ee ciidannimo, anshaxa iyo xeerarka ciidanka, xeeladaha dagaalka iyo aqoonta muhiimka u ah gudashada waajibaadka qaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in qalin-jabinta kumannaankan askari ay muujinayso horumarka laga sameeyay dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo soo kabashada hay’adaha dowladnimada, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya yeelato ciidan qaran oo xirfad leh, anshax leh, isla markaana u adeegaya shacabka iyo qaranka.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay ilaaliyaan sharafta iyo sumcadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, dhowraan midnimada iyo madaxbannaanida dalka, isla markaana waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo, waddaniyad iyo masuuliyad leh.
Munaasabadda qalin-jabinta ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Hawlaha Guud, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, maamulka Gobolka Galguduud, maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale.
Qalin-jabinta ciidamadan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidan Soomaaliyeed oo tiro iyo tayo leh, kuwaas oo awood u leh inay si madax-bannaan u gutaan waajibaadka sugidda amniga iyo difaaca dalka