Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 83 sano guurada ka soo wareegtay aas-aaskii Ururkii gobannimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL iyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May. Munaasabaddan oo si weyn looga dareemay guud ahaan dalka ayaa ahayd mid lagu maamuusayay halgankii dheeraa ee ay dhalinyaradii Soomaaliyeed u galeen xorriyadda iyo mideynta shacabka Soomaaliyeed xilli uu dalku ku jiray gumeysi iyo kala qeybsanaan.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigay Taalada SYL, taas oo astaan u ah geesinnimadii iyo waddaniyaddii halyeeyadii Soomaaliyeed ee u istaagay difaaca qarannimada iyo xorriyadda dalka. Ubax dhigga kadib, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, kula dardaarmay in ay xasuustaan doorkii taariikhiga ahaa ee ay SYL ku lahayd dib u soo nooleynta dareenka qaranimo iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in halyeeyadii ku mideysnaa Ururka SYL ay ahaayeen dhalinyaro leh himilo sare, geesinimo iyo jacayl qaran, kuwaas oo ka shaqeeyay sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga bixi lahaayeen gumeysiga iyo kala qeybsanaanta. Waxa uu tilmaamay in dadaalkii iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen aas-aasayaashii SYL ay dhaxal u noqdeen jiilasha maanta jooga, isla markaana ay suurageliyeen in Soomaaliya hesho xorriyaddeeda iyo dowladnimo mideysan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku boorriyey dhalinyarada Soomaaliyeed in ay maanta qaataan doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka, horumarinta nabadda, la dagaallanka fikirrada qalafsan iyo ilaalinta midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dhalinyarada maanta laga doonayo in ay noqdaan kuwo leh waddaniyad dhab ah, isku duubni iyo dadaal ay ku horumarinayaan dalkooda, si loo gaaro Soomaaliya nabad ah, horumarsan oo ka gudubta caqabadaha jira.

Madaxweynaha ayaa xusay in maalinta 15-ka May aysan ahayn oo keliya xus taariikheed, balse ay tahay maalin dib loogu milicsado qiimaha ay leedahay midnimada, wadajirka iyo halganka loo galay xorriyadda dalka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga qeyb qaataan hoggaanka, horumarka iyo mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi qiiro waddaniyadeed leh, iyadoo lagu maamuusay halyeeyadii SYL iyo dhammaan intii naftooda u hurtay xoreynta iyo difaaca Soomaaliya. shacabka Soomaaliyeed ayaa maalintan u arka mid xambaarsan xusuus qaran iyo dhiirrigelin ku wajahan jiilasha cusub ee dalka hoggaamin doona mustaqbalka.