Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cumaan u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Salim bin Habib Al Umairi, kaas oo Madaxweynaha si rasmi ah ugu wareejiyey waraaqaha aqoonsiga danjirenimo, taas oo astaan u ah bilowga gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Intii uu kulanku socday, Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu ka siday Suldaanka Saldanadda Cumaan, Suldaan Haitham bin Tariq Al Said. Waxa uu sidoo kale muujiyey sida hoggaanka iyo shacabka Cumaan ay u danaynayaan xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo ku dhisan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Kulanka ayaa fursad u ahaa labada dhinac inay ka wada hadlaan muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Cumaan, iyadoo la ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, waxaa la adkeeyey baahida loo qabo in la sii ambaqaado xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, lana abuuro fursado cusub oo lagu horumarinayo danaha ay wadaagaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Suldaanka Saldanadda Cumaan taageerada iyo garab istaagga uu u muujiyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii wadista xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo doorka ay iskaashiga labada dowladood ku yeelan karaan horumarinta danaha guud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Danjire Salim bin Habib Al Umairi u rajeeyey inuu ku guuleysto gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaato xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan.

Saldanadda Cumaan iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo ku salaysan taariikh, dhaqan iyo xiriir bulsho, iyadoo labada dhinac ay danaynayaan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dal. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta ballaarinta xiriirka ay la leedahay dalalka Carabta iyo kuwa kale ee caalamka, si loo horumariyo iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaalaha iyo danaha qaranka.