Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo toddobo safiir oo cusub oo loo soo magacaabay dalal kala duwan oo caalamka ah.
Safiirrada cusub ee warqadaha aqoonsiga danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha ayaa kala ah:
Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya
Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil
Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya
Danjire Dr. Madou Diallo – Mali
Danjire Aung Min Oo – Myanmar
Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria
Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safiirrada cusub ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorshayaashooda iyo mudnaanta ay siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.
Madaxweynaha ayaa safiirrada u rajeeyay in muddada ay Soomaaliya ka howlgalaan ay si wanaagsan uga shaqeeyaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii horumariyo iskaashiga labada dhinac.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta, amniga, waxbarashada iyo arrimaha bulshada, kuwaas oo muhiim u ah xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay sida ay Soomaaliya u danaynayso in xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalalka kala duwan loo beddelo iskaashi wax-ku-ool ah oo wax ka tara horumarka iyo danaha labada dhinac.
Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay uga sideen madaxda dalalkooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.
Safiirrada ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay siinayaan xoojinta xiriirka Soomaaliya, iyagoo ballanqaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda inta ay gudanayaan waajibaadkooda diblomaasiyadeed.
Munaasabadda ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo dowladda ay mudnaan siinayso in xiriirrada ay la leedahay dalalka saaxiibka ah lagu horumariyo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.