Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa goor dhow si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay muhiimadda ay xaruntani u leedahay horumarinta adeegyada dhallinyarada iyo ciyaaraha dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha xaruntan cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo hay’adaha dowladda iyo adeegyada loo fidinayo dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo laf-dhabar u ah mustaqbalka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadaha ay dowladdu u abuureyso, isla markaana door muuqda ka qaataan horumarinta dalka, nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Xaruntan cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa la filayaa inay sare u qaaddo tayada shaqada wasaaradda, isla markaana fududeyso adeegyada iyo barnaamijyada loo qorsheeyo dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha dalka.