Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xildhibaannada Galmudug iyo Hirshabeelle Kala Hadlay Dardargelinta Doorashooyinka Tooska ah

Guddoomiyaha Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JCJ), ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan-doorashadoodu tahay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee isku-sidkan iyo sidii bulshada labada dowlad-goboleed ay u heli lahaayeen fursad ay si xor iyo nabad ah ugu doortaan hoggaankooda.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday si qoto dheer u dhageystay talooyinka, aragtiyaha iyo soo jeedimaha ay xildhibaannadu ka dhiibteen geeddi-socodka doorashooyinka, isagoo carrabka ku adkeeyay in guusha doorashooyinka qof iyo cod ay ku xirnaan doonto wada-shaqeyn dhow oo dhex marta dowladda, xildhibaannada, maamulka dowlad-goboleedyada iyo bulshada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaannada ku boorriyay inay qaataan kaalintooda hoggaamineed, isla markaana bulshada ku baraarujiyaan muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashooyinka, si shacabka Galmudug iyo Hirshabeelle ay si toos ah, xor ah, caddaaladna ku dheehan tahay ugu soo doortaan xubnaha meteli doona goleyaasha deegaanka iyo hoggaanka siyaasadeed ee mustaqbalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee ku saleysan codka shacabka ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha dowladnimo casri ah, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadidda kalsoonida shacabka iyo adkeynta nabadda iyo xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in dowladda iyo Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo dardargelin lahaa wacyigelinta bulshada, xoojinta amniga goobaha doorashooyinka, iyo iskaashiga hay’adaha kala duwan si loo xaqiijiyo in doorashooyinku u dhacaan si hufan, nabad ah, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, ahna Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, kuwaas oo iyaguna adkeeyay muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada siyaasadeed iyo taageeridda geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod.

Kulankan ayaa imanaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso qorshaha ku aaddan hirgelinta doorashooyinka tooska ah ee dalka, iyadoo la doonayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay yeeshaan door muuqda oo ay ku soo doortaan hoggaankooda, taasoo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya.