Madaxweyne Xasan Sheikh oo Cadale kula Kulmay Odoyaasha dhaqanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku hoyanaya degmada Cadale ee Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas kulamo gaar-gaar ah kula qaatay masuuliyiinta odeyaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha iyo odeyaasha uu la kulmay ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay garab istaagga Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee u taagan xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu, iyadoo ay ku bogaadiyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada.