Madaxweyne Xasan Sheikh Oo Ka Hadlay Qodobo Dhowr ah…

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta salaadda Jimcaha kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku bilaabay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay dalka, isagoo xusay in mar kasta wax laga bedeli karo dastuurka dalka, maadaama marxaladuhu ay is rogrogayaan.

Wuxuu sheegay in shaqada dastuurka ay hortaallo baarlamaanka, “Sameynta dastuurka, dhameystirkiisa iyo dhaqan-gelintiisa waxay hortaalla BFJS, taasi waxay ku cadahay dastuurka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa balan-qaaday in wax lala carari doono ama la la dedejinayo aysan jiri doonin, sidoo kale wuxuu u sheegay baarlamaanka iyo dadka Soomaaliyeed in dalkaan uu waqti badan ka soo lumay, isla markaana ay muhiim tahay in shuruucdiisa lagu dhameystro muddo kooban.

Sidoo kale maxaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay ku kalsoonaadaan baarlamaanka ay soo doorteen, “sidoo kale dadku kalsooni haku qabeen in talo ay ku yeela doonaan dastuurka, wuxuu ku soo gaari doonaa si kasta oo la awoodo, ma dhaceyso in baarlamaanka uu dhaho baarlamaanka naga dambeeya ayaa dastuurka dhameystiraya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa balan-qaaday in dalkaan aysan ka dhici doonin awood sheegasho dowladeed, isla markaana uu dalku ahaa doono dumuquraadi, “Ukeedada dowladeyda ma ahan cabsi gelin iyo awood sheegasho, hadana inta meel fariisano ma dhihi doono reer hebel ayaan u xayiranahay,” ayuu yiri.