Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku wajahan addis ababa xili wali uu jiro khilaafkii badda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu dhawaan safar ugu baxayo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas uu kaga qayb-galayo shirar kala duwan.

Muuqaal uu faafiyay xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia lagana soo duubay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu Dr. Xasan Sheekh shaaca kaga qaaday safar uu dhawaan ku tagayo Itoobiya, xilli Addis aysan ka laaban damaceeda Badda Soomaaliya.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirarkaan ay Soomaaliya muhiim u yihiin, waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya aysan wali ka tanaasulin go’aankeeda, aysan aqbali doonin faraglinta Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan ahayn mid wanaagsan ka dib heshiiskii is-afgrad ay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobya Abiya Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi, kaas oo dhigaya in Itoobiya laga ijaaro Badda Cas si ay dekad.