Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira danaha labada dal, xasiloonida, amniga iyo horumarka guud ee gobolka Geeska Afrika.
Qoraal kooban oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daabacay bartiisa Facebook, ayaa lagu sheegay in kulankaasi diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood iyo sidii loo xaqiijin lahaa xasillooni waarta oo gobolka ka hanaqaada.
“Madaxweynaha Soomaaliya waxa aan kawada hadalnay xoojinta danaha labada dal, xasiloonida, amniga & horumarka,” ayuu yiri Abiy Ahmed isaga oo muujiyay sida ay dowladdiisu ugu heelan tahay inay xoogga saarto danaha wadaagga ah ee gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ahaa shirar isdaba joog ah oo Abiy Ahmed la yeeshay madaxda ka qeybgaleysay xafladda daahfurka biyo-xireenka cusub ee ay Itoobiya dhistay. Dowladda Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd dalal ay siiso korontada laga dhalinayo tamarta biyaha, taasoo qeyb ka ah qorshaha ay ku ballaarinayso saameynteeda dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka.
Iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muhiim u ah nabadda iyo horumarka gobolka, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ka jira Geeska Afrika. Kulanka madaxdu waxa uu muujinayaa baahida loo qabo wadashaqeyn dhab ah si loo gaaro yoolalkaas.