Madaxweyne Xasan Sheikh ooo Ka qeyb galay Shir looga hadlayay Aqoonsiga Falastiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shir gaar ah oo looga hadlay aqoonsiga Dowladda Falastiin, isagoo bogaadiyay dalalka aqoonsaday Falastiin, kuna tilmaamay kuwa saxan mowqif ahaan.

Dowladda Soomaaliya waxay markale muujisay taageerada ay u hayso Falastiin, iyadoo cambaareysay go’doominta bani’aadamnimo ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. Waxay sidoo kale ku baaqday in xal waara degdeg loo helo.

Soomaaliya waxay sheegtay in dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasiloonida Bariga Dhexe iyo ilaalinta xuquuqda dadka Falastiin. Waxa kale oo ay xustay in ay ahayd mid ka mid ah dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsaday Falastiin.

Ugu dambayn, Soomaaliya oo sanadkan xubin ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqday in la joojiyo xadgudubyada Israa’iil iyo in la dhiso dowlad Falastiin leh oo caasimaddeedu tahay Qudus.