Madaxweyne yaal ku wajahan Beydhabo

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kusii jeedda Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Labadda hoggaamiye ayaa kulan wadatashi ah la yeelan doonna Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafgareen.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saari doonnaa sidii loo adkeyn lahaa qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb Saddex.

Saddex Hoggaamiye ayaa lagu soo waramaya in ay si weyn uga soo horjeeddaan kulanka Muqdisho ee Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu casuumay.