Madaxweynaha dowladda Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa qadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana uu kala hadlay dhaqaatiir dhawaan laga soo Afduubtay Magaalada Mandera.
Madaxweynaha Cuba ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in uu ka taageero sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dhaqaatiirtaasi, maadaama la aamisan yahay in ay ku jiraan Gacanta Koox hubeysan.
Hoggaamiyaha Cuba ayaa sidoo kale Qadka Taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Kenya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in sirdoonka Kenya ay dadaal ku bixiyaan soo deynta labo dhaqtar oo dalkaasi u dhalatay oo koox Hubeysan oo Shabaab looga shakisan yahay ay gacanta ku hayaan.
Lix maalmood kahor ayaa Dhakhtar Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa lagu weeraray magaalada Mandhera, iyagoo ku sii jeeda goob ay ka howlgalayeen, waxaana la diley mid kamid ah ilaalada dhakhaatiirta.