Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay heshiis dhinaca doorashada ah ku gaareen Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud kala duwna oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland oo ku kala sugan Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo ee gobolada Nugaal iyo Jubbaada Hoose.
Wafdi horudhac u ah Madaxweynayeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin ilaalada Madaxweynaha Puntland.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay Magaalada muqdisho kula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo kala hadlaya Arrimaaha la xiriira doorashada Soomaaliya.
Labada Madaxweyne ayaan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3, iyaga oo kasoo horjeestay qodobadii kasoo baxay, hayeeshee warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ay aqbaleen in muqdisho ay kula kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya.
In ka badan mudo 18 bilood ah ayuu soo jiitamayaa khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, halka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uusan wanaagsaneyn xiriirka Madaxweyne farmaajo tan iyo markii la doortay.
Madaxda Maamul Goboleedyada ,Galmudug, Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle ayaan ka qeyb-geli doonin Shirka Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Jubbaland & Puntland, waxaana war-saxaafadeed ay soo saareen uu u muuqday kuwa kasoo horjeesan kara qoodbada ay ku heshiiyaan Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Jubbaland & Puntland.