Madaxweyni Dani Oo Maanta Lafilayo In uu kulan laqaato Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ku sugan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa la filayaa in MAANTA OO Khamiis ah in golihiisa Wasiiradda dhamaantood uu la qaato kulan xasaasi ah,sida ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland.

Waraay heleyso warbaahinta  ayaa waxaa ay sheegayaan in shirkaasi looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin, Arrimaha Shirka Caalamka & Soomaaliya ee shalay lagu soo xiray Muqdisho iyo khilaafka xoogeystay ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo Maanta  go’aamo cusub oo ka dhan ah Dowladda Federaalka .