Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa maanta weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Shariif oo kamid ah xubnaha sida wayn uga soo horjeedo wax ka beddelka dastuurka ayaa ugu dhaliilay dowladda hadda jirta arrimaha ammaanka iyo guud ahaan difaaca dalka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ayadoo taasi ay jirto in aan lagu deg degin karin ansixinta dastuurka dalka, sida uu ku dooday Sheekh Shariif oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka.
Sidoo kale wuxuu ku daray “Obshano kale ayaa jiro waxaa waayay ra’iisul wasaaraha madaxweyne ayaa soo magacaabo haddii ay wada shaqeyn waayaan ha fasaxo waa obshan, wuxuuna xaqiijinayaa dan weyn oo ah laba hay’adood madaxtooyada iyo golaha wasiirada in aysan isa saarnay”.
Ugu dambeyn wuxuu eedeyn culus u jeediyay xukuumadda oo uu sheegay inay lugaha hayso baarlamaanka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay arrinta dastuurka oo ay kasoo horjeedaan xubnaha mucaaradka ah iyo hoggaanka Puntland.