Madaxweynihii hore Ee Dalka Zimbabwe oo xaaladiisa liidato

Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee dalka Simbabwe Ropert Mogabe ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid liidatay,waxuuna kujiraa isbital kuyaala Dalka Singapore,halkaasi oo ay dhigtay Dowladda Dalkaasi Zimbabwe.

Hoggaamiyaha talada dalkaasi haye ee Emmerson Mnangagwa ayaa war qoraal ah uu soo saaray ku sheegay in madaxweyne Mogabe muddo 4 bilood ah ba uu kujiro isbital kuyaala dalkaasi Singpore,wuxuuna intaasi ku daray in uu wanaagsan yahay uuna jawaabi karo

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in xanuunka haaya aan weli shaaca aysan ka qaadin dhaqaatiirta,wuxuu ku ammaanay 95 jirkan Mogabe in uu yahay aabihii dhisay qaranka dalkaasi Simbabwe.

Dhaqaatiirta ayaa ku taliyay in uu u baahan yahay nasiinyo dheeraad ah iyo in la ilaaliyo,Emmerson Mnangagwa madaxweynaha haatan talada haya ee dalkaasi Zimbabwe ayaa bishii April wuxuu sheegay in uusan dhaqaaqi karin Mogabe sababo laxiriira jiro iyo Da’da oo isku bahaystay.

Hay’adaha caafimaadka dalka Zimbabawe ayaa la sheegayaa in uu gaabis iyo bur bur ku ymid adeegooda caafimaad,inta badana dadka xanuunka ku soo booda ayaa loo qaada dibadda,sida south Afrika oo ay deris yihiin,balse Ropert Mogabe noloshiisa inta badan waxa uu caafimaadkiisa ku soo baari jiray dalka Singpore.