Madaxweynihii hore ee DDSI oo ku xanuunsanaya xabsiga uu ku xiran yahay

Madaxweynihii hore ee DDSI oo ku xanuunsanaya xabsiga uu ku xiran yahay

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hada ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku xanuunsanayo xabsigaasi.

Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar oo magaceeda ku sheegtay Deed Mahad Colow ayaa waxa ay ka soo muuqatay muuqaal kooban oo laga soo duubay, kaasi oo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dowlad degaanka ay kaga dalbatay inay cafis u fidiyaan wiilkeeda, maadaama ay dhibaatooyin ka tirsanayaan.Sidoo kale Hooyadan ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali waxa ay ugu baaqday inuu ka qeyb qaato sii deynta wiilkeeda, maadaama uu ku jiro gacanta dowladda uu isaga madaxda ka yahay.

“Magaceygu waa Deed Mahad Colow, waxaan ahay Hooyada dhashay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaan idinka codsanayaa dhammaan Soomaali Maxamed meel walba oo ay joogto inaad cafisaan Cabdi Maxamuud oo gacanta ugu jira cadow, waxaan R.W Itoobiya ka codsanayaa inuu wiilkeyga ii saamaxo”. Ayay tiri Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, kadib markii gurigiisa ay ka soo kaxeeyeen ciidanka Itoobiya, eedeymaha loo heysto waxaa ka mid ah dhibaatooyin loo geystay dad shacab ah.