Madaxweynihii hore Ee Galmudug Guuled Oo Edeyn ujeediyay Dowlada dhexe

Madaxweynahihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay xaaladaha kasoo cusboonaaday deegaannada Galmudug,Ciidamada ay dowladda geysay Dhuusamareeb & qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayuu marka hore guddiga dib u heshiisiinta Galmudug ku eedeeyay aysan u tegin Odayasha & Waxgaradka ku shirsan Magalada Hobyo,isla markaana aan wax ka weeydiin waxybaaha ay tabayaan iyo u jeedka shirkooda.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Shirka Hobyo ka dhinac fureyso shir kale, iyada oo aan fikirkooda la dhageysan dadka ku shiraya Hobyo,kuwaas oo qaba tuhun farabadan taasina ay tahay arrin layaab leh.

Sidoo kale Cabdi Kariim Xuseen Guuleed aya soo hadal qaaday xaalada ka taagan Magalada Dhuusamareeb & Ciidamada ay dowladda geysay,waxaana uu sheegay in dadaalkii lagu bixiyay heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna ay dowladda dayacyday.

Waxaa uu ka digay in dagaalo iyo bur bur uu ka dhaco Magalada Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in Ciidamada ay dowladda ku daabuleyso Magalada Dhuusamareeb aysan waxba u soo kordhineyn,hayeeshee Galmudug u baahan tahay wada-hadal iyo dib u heshiisiin.