Madaxweynihii hore ee Samaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Baaq udiray Madaxda dowlda

Iyadoo wali ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay Mooshinka laga soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) maantana lagu madalsan yahay in codka kalsoonida loo qaado Mooshinkaasi, ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Shariif Sheekh Axmed oo Qoraal soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada, ayaa soo jeediyay baaq ku aadan in wax kasta lagu xaliyo nidaam sharci ah.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.