Madaxweynihii hore ee Somaalia Xasan Sheekh Oo lakulmay Wakiilka QM

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho wuxuu kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya Amb. Michael Keating.

Kulankan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Keating uu booqday guriga Madaxweyne hore, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, iyaga oo sidoo kale isla soo qaaday isbedelada mandiqada Geeska Africa.

Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray sidan “Waxaan maanta kulan layeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Michael Keating kaas oo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii Muqdisho yimid Khamiistan wuxuu sheegay inay jiri doonaan kulamo uu la yeelan doono xubno kala duwan oo bulshada rayidka ay qeyb ka tahay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya maalmaha soo socda in Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdisho kula kulmi doono Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhanka ah dowladda Federalka Soomaaliya, islamarkaana uu wado qorshe ku aadan inay isbaheysi hoose sameystaan.

Imaanshaha Muqdisho ee Xasan Sheekh oo ah xildhibaan sharafeed ayaa waxa uu ku soo aaday xilli 10-ka bishan September lagu wado inuu dib u furmo kalfadhiga Baarlamanka Golaha Shacabka.