Madaxweynihii hore ee Somaaliya Oo kahadlay Qilaafka udhexeeya Wadamada Somaaliya iyo imaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo wareysi gaar ah TV-ga Al-Carabiya qadka Skype-ka ku siinayay ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka cirka isku shareeray ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Shariif in xiriir soo jireen ah oo Taariikh weyn wata uu ka dhaxeeyo labada Dowladood, muhiimna ay tahay in si geed fadhi ah loo xaliyo mad madowga yar ee ka dhexjira labada Dowladood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay Dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka inuu ka dhaxeeyo xiriir ganacsi oo weyn, wuxuu kaloo sheegay Imaaraadka inuu qeyb ka yahay Dowladaha Soomaaliya ka taageeraya la dagaalanka Al-shabaab.

 “Waxaan rabaa inaan waxyar ka iraahdo khilaafka labada Dowladood, sida aan ognahay Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir Taariikhi ah oo dhan walba leh, hadii uu yimaado khilaaf ama is fahan waa, waxaa muhiim ah in lagu xaliyo wadada saxda ah, waxaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxda Dowladda ugu baaqayaa in arrintan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, si shacabka aanay u dareemin niyad jab.” Ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Khilaafka u dhaxeeya labadan wadan ayaa xoogeystay kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay cambaareysay saldhigga Imaaraadka uu ka dhisayo degaanada Somaliland iyo markii Ciidanka NISA ay la wareegeen lacag Imaaraadka Carabta uga soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Labadan Dowladood ayaa hada waxaa u bilowday wada hadal, kulamada wada hadalka ah ee u dhaxeeya labada wadan ayaa waxaa yeelanaya Madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo ka xaajoonaya sidii Caleemo qoyan loo saari lahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.