Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta si rasmi ah uga soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib muddo uu ku maqnaa dalka dibaddiisa.

Soo laabashada Farmaajo ayaa ku soo beegmaysa xilli uu dalku wajahayo marxalad xasaasi ah oo kala-guur ah, iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo salka ku haya hannaanka doorashada, qabsoomida codeynta, iyo kala aragti duwanaanta hay’adaha dowladnimo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu qorsheynayo in uu kulamo gaar ah la yeesho madaxda siyaasadda, xildhibaanno hore, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulamadaas ayaa la filayaa in ay diiradda saaraan arrimaha doorashada, midnimada siyaasadeed ee mucaaradka, iyo doorkiisa mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Soo laabashadiisa ayaa sidoo kale si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada, iyadoo taageerayaashiisu ay muujiyeen soo dhoweyn iyo rajo ku aaddan in uu door muuqda ka qaato xal u helidda khilaafaadka taagan. Dhanka kale, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamaya in imaatinka Farmaajo uu xoojin karo loollanka siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan inta lagu jiro qabanqaabada doorashooyinka cusub.
Illaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Farmaajo oo si faahfaahsan uga hadlaya ujeedka socdaalkiisa, hase yeeshee, dhowr siyaasi oo taageero u ah ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu u yimid sidii uu door firfircoon uga qaadan lahaa dib u dejinta jihada siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, lama oga in safarkiisa uu la xiriirayo shirarka iyo isbaheysiyada siyaasadeed ee socda, balse dadka arrimaha siyaasadda u dhuun daloola waxay rumeysan yihiin in Farmaajo ujeedkiisu yahay sidii uu dib ugu dhismi lahaa saaxadda siyaasadda gudaha.