Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo si adag uga hadlay tallaabo la sheegay in ay Israel ku aqoonsanayso maamulka gooni-u-istaagga Somaliland.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay tallaabo la sheegay in ay Israel ku aqoonsanayso maamulka gooni-u-istaagga Somaliland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in sharciga caalamiga ah uu waajibinayo Israel inay ixtiraamto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.

Sidoo kale, wuxuu adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb lama-huraan ah oo ka mid ah Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay si mideysan ugu taagan yihiin difaaca madax-bannaanidooda, midnimadooda, iyo qarannimadooda.