Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb iyo wefdi uu hugaaminayo Oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Madaxweynihii hore ee maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey ayaa maanta gaaray Magaaalda Gaalkacyo ee Caasimadda gobolka Mudug , waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan maamulka Galmudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wafdiga maamulka gobolka Mudug ee Galmudug.

Maxamed Aadan Tiicey ayaa dhowr Sano ku xirnaa dalka Bilguim ka dib markii lagu eedeeyay fal burcadbadeednimo.

Dhawaan ayay aheyd Markii laga sii daayay xabsiga, waxaana tan iyo markii xabsiga laga sii daayay uu wadday kulamo kala duwan.