Madaxweynihii hore Puntland oo ku Wajahan Magaalada Garowe

Madaxweynihii hore ee Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa Isbuucaan ku wajahan Garoowe.

Cabdiweli Gaas oo sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida adag u diiddan furista dastuurka Puntland iyo in uu mudda kororsi samaysto madaxweyne Deni.

Wararka  ayaa sheegaya in Dr. Cabdiweli Gaas uu raadinayo in uu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada soo socota ee sannadka 2024.

Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli ay Puntland ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira furista dastuurka Puntland  iyo mudda xileedka Dawlada oo ay ka harsan tahay wax ka yar lix bilood.