Madaxweynihii Hore Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Maanta Ku Wajahan Kismaayo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu Maanta bilaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Maanta ayaa la filayaa  safarkiisa ugu  horeeya uu ku tago Magalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland kadib doorashadii looga adkaayay 8 Bishii Febaraayo Sanadkii tegay ee 2018.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maanta ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safaro kale uu ku tegi doono Xarumaha Maamul goboleedyada dalka ka jira.

Shalay Gelinkii dambe waxaa Kismaayo gaaray wafdi horudhac u ah safarkiisa,kuwaas oo isugu jiro Xildhibaanada labada Aqal,isla markaana ka mid ah Xisbiga uu hoggaamiyo ee UPD.

Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada,waxaana Maamulka Jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii Madaxweyne uu  dalka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.