Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Oo kulamo laqaadanaya Waxgaradka Magaalada Beledweyne

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa saakay hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayagoona kulan horu dhac ah yeeshay.

Ugaaska ayaa soo dhaweeyay guddoomiyaha iyo wafdigiisa booqashadooda ay ku yimaadeen magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay in ay kulamo dhowr ah yeelan doonaan mudada ay joogaan.

Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii hore ee amniga, qeybna ka ah wafdiga xisbiga ayaa kulanka guddoomiyaha iyo Ugaaska kadib sheegay in kulankan horu dhaca ah uu xigi doono kulamo badan oo uu wafdiga la qaadan doono Ugaaska iyo waxgaradka gobolka, kulamadaasi oo ku saabsanaan doona arimaha xisbiga iyo guud ahaan tan gobolka.