Madoobe oo shir guddoomiyey Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, maamulka, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii uu socday shirka, Golaha Wasiirrada ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-sharciyeedka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya (SISA), kaas oo la xiriira dhismaha iyo habaynta hay’adda u xilsaaran arrimaha nabad-sugidda iyo sirdoonka maamulka.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka mid ah qodobadii muhiimka ahaa ee ajandaha shirka, waxaana goluhu ka yeeshay akhrintiisa koowaad, taas oo qayb ka ah hannaanka loo marayo diyaarinta iyo meel-marinta sharciyada lagu dhisayo hay’adaha maamulka.

Sidoo kale, shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, saameynta isbeddelka cimilada, dardargelinta nidaamka maamul-daadejinta iyo horumarinta dhallinyarada ku nool deegaannada maamulka.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga iyo sii wadista dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha bulshada iyo caqabadaha amni ee jira.

Dhanka kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyey saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee saameeya nolosha dadka, xoolaha iyo wax-soo-saarka bulshada. Wasiirrada ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo qorshayaasha wax looga qabanayo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.

Arrimaha maamul-daadejinta ayaa iyaguna qayb weyn ka ahaa ajandaha shirka, iyadoo la adkeeyey baahida loo qabo horumarinta nidaamka maamulka iyo gaarsiinta adeegyada dowladda heerarka kala duwan ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday doorka dhallinyarada ee dowlad-dhiska, nabadda iyo horumarka bulshada, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyey abuurista fursado horumarineed oo u suuragelinaya dhallinyarada inay kaalin muuqata ka qaataan mustaqbalka deegaannadooda.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay inay dardargeliyaan qorshayaasha horumarineed, isla markaana xoogga saaraan fulinta barnaamijyada loogu adeegayo shacabka ku nool guud ahaan deegaannada maamulka.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale wasiirrada ku boorriyey inay si hufan uga soo baxaan waajibaadka loo igmaday, mudnaantana siiyaan arrimaha muhiimka u ah bulshada, si loo xaqiijiyo horumarinta adeegyada iyo tayeynta hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed.