Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa laga hirgeliyay Gaadiidka Dab-damiska ah oo baahi weyn ay u qabtay Bulshada ku sugan Degmadaas maadaama dhowr jeer loo baahday in lagu damiyo Dab ka kacay goobo kala duwan.
Ganacsatada Magaalada Baladweyne ayaa ku guuleystay in ay soo iibsadaan Gaadiidkaan inkasta oo aanay ku filneyn balse uga wanaagsan la’aantood in ay magaaladu sii ahaato sidii hore oo aanay ka jirin Gaadiidkaan.
Shacabka ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa soo dhaweeyay tallaabadaan iyaga oo sheegay in lagu soo beegay waqti baahi weyn loo qabo loogana faaiideysan doonno sida loo qorsheeyay iyaga oo u mahadceliyay Dadkii lahaa fikraddaasi.
Magaalada Baladweyne waxa ay kamid tahay Magaalooyinka sanadihii u dambeeyay dib usoo kabashada ka sameynayay dhinacyada adeegga bulshada kaddib markii si joogta ah ay saameyn taban ugu reebeen Daadadka roobka & Fatahaadda Webiga Shabeelle.