Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu Toogtay Saddex Askari oo katirsanaa Ciidamada xooga dalka qaybahooda Kaladuwan iyo Daraawiishta Koofur Galbeed
Saddexaan Askari oo lagu kala magacaabo Xuseen cali macalin imaan kuna magac dheer (Gurey) oo katirsanaa Daraawiishta Koofur galbeed,Cabdiwaaxid cali sheikh Adan oo katirsanaa Militariga Iyo Cabdullaahi Ibraahim Yarow kuna magac dheer (Barow) ayaa Horay horay Udili Dad shacab ah waxaana maanta laga Oofiyay Dambiyadii ay Galeen
Askartaan ayaa Qaarkooda Waxaa ay maxkmadayntoodu soo socotay ilaa 2018 oo mid kamida Uu dilay Marxuum Lagu magacaabo muxudiin maxamed Cabdirixman oo beer lagu magacaabo Qurun Jiis degaanka Dug ee magaalada Baydhabo ku dilay 2018 Dii