Magacyada Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Lagu Dhawaaqay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa Maanta ku dhawaaqay Xubnaha Gudddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan ayaa ka kooban 15 Xubnood,waxaana dhamaantood ay ka mid yihiin Xildhibaanada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,kuwaas oo diyaarinaya qaabka ay u dhici doonto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay in walaac laga muujinayay dib u dhaca ku yimid Magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed balse ugu dambeyn Maanta la Magacaabay.
Xilligaan waxaa u sharaxan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku dhawaad 15 Musharax,oo isugu jira Siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo mar ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab.