Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada horjoogayaal kooxda Al-Shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday xarunta u weyn ee kooxda ee gobolka Galguduud.
Duqeyntaan oo iska kaashadeen NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday xaruntaasi oo ku taalla Galhareeri, waxaana lagu dilay 30 Shabaab ah oo isugu jira dagaal-yahaano iyo horjoogayaal ay kamid yihiin Ajaanib.
Qoraal kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in weerarka cirka ee lala beegsaday Al-Shabaab ay ku dhaawacmeen illaa 20 xubnood oo ka tirsan kooxda.
1. Qoor-Cadde oo ahaa horjoogaha xarunta Qurdubi, oo ah xarun ay ku faafiyaan fikradaha qaldan.
3. C/kariin Shan-boqolle oo ka mid ahaa aasaasayaashii Khawaarijta ee Galguduud.
5. Yamiin oo ahaa horjooge ka tirsanaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ee Mudug.
6. Cabdullaahi Macalim Bashiir oo ka mid ahaa horjoogeyaasha Maleeshiyaadka ee Galguduud.
8. Ciise Maxamed Wehliye oo ahaa Horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobolka Sh. Dhexe.
9. Ciise Ruush oo ahaa Horjoogihii farsamada Hubka.
11. Xasan Nuur ka tirsanaa qeybta Gaadiidka.

