Magacyada Raggii dilay Wariye Jamaal Khashoggi Oo lashaaciyay

Xalay waxaa garoonka Atatürk ee magaalada Istanbul ka dhoofay Qunsulkii Guud ee Sacuudiga u fadhiyay Isntabul Maxamed al-Cuteybi. Al-Cuteybi lama arag tan iyo markii ay soo baxday fadeexadda dilka wariye Jamaal Khashoggi 2dii bishan.

Sirdoonka Turkida ma aysan qaban, waayo wuxuu heystaa xasaanadda diblomaasiyadeed. Wuxuuna raacay dayuurad gacansi oo ku jeeday Riyadh.

Ka hor intuusan duulin ayey booliska baarayaasha Turkida galeen gurigii uu Isntabul ka degganaa al-Cuteybi, waxayna ka soo saareen albaab weyn oo beerta guriga ku dhex taalla laga geli jiray. Baarayaasha aya daneynaya in albaabka ay mariyaan sheybaarka si ay uga raadiyaan haraa caddeyn u noqon kara halka uu ku danbeeyay meydka wariye Jamaal Khashoggi.

ERDOGAN OO HADLAY

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa saxaafadda la hadlay si uu xaaladihii ugu dambeeyay kiiska dilka wariyaha uga warbixiyo. Waxyaabaha Erdoğan shaaciyay waxaa ka mid ah;-

– Dhismaha Qunsuliyadda waxaa lagu sameeyay dib u rinjiyeyn, gaar ahaan dabaqa labaad ee dhismaha lixda dabaq ka kooban oo ah halka lagu dilay wariyaha, kaddibna hilbihiisa lagu shiiday.

– Rinjiga loo adeegsaday gidaarrada/derbiyada Qunsuliyadda waxaa ku jira kiimiko awood badan oo loola jeeday in lagu raadtiro dembiga dilka wariyaha.

– Derbiyada qaarkood iyo sagxadda qolalka waa la xoqay, kaddibna la dhaqay.

– Shaqaalaha nadaafadda ayaa iyaguna wada dhaqay dhamman dhismaha Qunsuliyadda si loo baabi’iyo gabbood falka meesha ka dhacay.

– Sababta Sacuudiyiintu muddada toddobaadka ah u diidanaayeen in Qunsuliyadooda la baaro inay ahayd inay doonayeen in dhammaan caddeymaha la tirtiro.

AQOONSIYADA KUWII DILKA FULIYAY

Shaqo adag ayey qabteen sirdoonka Turkida, oo wada shaqeyn ka heley sirdoonnada kale sida UK iyo USA. Waxaa markii ugu horreysay la shaaciyey magacyada iyo baasaboorrada qaar ka mid ah 15kii nin ee falka dilka geystay. Waxaana ku jira nin professor ka ah Jaamacadda Naif Arab University ee Sacuudiga, isla markaana ka soo shaqeeyay mashaariic dhanka Xajka.

MAGACYADA:

1-Saalax Maxamed al Tubeyqi: waa 47 jir. Waa macallin Jaamacadda Naif Arab University oo uu ka dhigo Culuumta Ammaanka, wuxuuna aad ugu dhow yahay qoyska Boqortooyada Sacuudiga iyo sirdoonka Sacuudiga.

Al Tubeyqi wuxuu ku takhasusay baaritaanka iyo abla-ablaynta raadadka fal-demiyeedyada. Wuxuu ka soo shaqeeyay Beytka Alle ee Xaramka ee Maka al-Mukarrama. Waa ninkii sannadkii 2014 sameeyay sheybaar weyn oo ku kacay 2.5 milyan doolar oo loga hortagayo cuddurada faafa si loogu isticmaalo waqtiga Xajka.

markii uu dilka wariyaha dhacay ee ay kooxdii kale safreen, Ptofessor al Tubeyqi wuxuu Istanbul sii joogay sagaal (9) saacadood oo kale si uu u dhameystiro shaqadiisa oo ahayd inuu raadtiro isla markaana baabi’iyo dhammaan cadeymaha dilka Khashoggi. Waxaa la aaminsan yahay inuu isagu ahaa qofkii ka dambeeyay dib u rijinyeynta Qunsuliyadda.

2- Maxamed Sacad al-Zahrani. Waa xubin ka mid ah askarta Ilaalada Boqortooyada (Royal Guard). Al Zahrani waxaa dhowr jeer lagu arkay shaashadaha telefishannada isagoo dhinac taagan Dhaxalsugaha Boqorka ahna wiilka Boqorka Maxamed bin Salmaan oo booqanaya dhowr goobood oo gudaha Sacuudiga ah.

3- Maher Cabdicasiis Mutreb. Muddo hadda laga joogo 10 sanno wuxuu ahaa Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sacuudigu ku leeyahay London. Waxaa magaciisa xaqiijiyey Waaxda Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo heysa liiska diblomaasiyiinta dalkeeda yimaada.

Magaca Mutreb waxaa markii ugu horreysay laga dhex heley liis emailo la soo xaday oo ay faafisay shabakadda Wikileaks 2011-kii. Waxaana emailadaasi ku jirtay in Metreb ay Sirdoonka Sacuudiga u direen koorso sare oo waxbarasho dhanka amniga ah uuna ku soo qaatay Talyaaniga.

Metreb wuxuu dhowr jeer safarro u raacay ina boqorka Maxamed bin Salmaan mar uu booqashooyin kala xilli duwan uu ku tegey Madrid, Paris, Houston, Boston iyo xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

4- Naif Xasan S. Al Carifi. Waa shaqaale ka shaqeeya xafiiska ina boqor. Waxaa kaloo la sheegay inuu mar ka shaqeeyay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC.

5- Seyf Sacad Q. Al Qahdhani. Waa xubin ka shaqeeya xafiiska ina Boqorka Maxamed bin Salmaan. Wuxuu kaloo ka shaqeeyay sirdoonka Sacuudiga, isagoo marna joogay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC. Barta uu ku leeyahay Facebook iyo barta kale ee MenoM3ay ayaa lagu arkay sawirro uu soo dhigay isagoo isku sheegaya inuu yahay “Wajiga Boqortooyada iyo difaacaha Boqorka”.

6- Khalid Ca-Ciid Al Cuteybi. Waa sarkaal nabsdsugid oo aad ugu dhow ina Boqorka Maxamed bin Salmaan, waana nin uu aad ugu kalsoon yahay. Sirdoonka USA ayaa caddeeyay in markii Maxamed bin Salmaan uu booqday Mareykanka bishii Maarso 2018 wuxuu Al Cuteybi ka soo horreeyay ina Boqor saddex maalmood.

Sirdoonka Turkida waxay sheegeen in Al Cuteybi uu ku jiray kooxdii 15ka ahayd ee arroornimadii Talaadada 2dii October ka soo degay garoonka Istanbul halkaasna laga heley farihiisa iyo baasaboorkiisa.

Dowladda Sacuudiga waxay markii hore dadkan oo dhan ku sheegtay dalxiisayaal tamashle u tagay Istanbul. Laakiin hadda warar laga heley sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Boqortooyada daalimka ee Riyadh isku diyaarineyso qirashada dilka wariye Jamaal Khashoggi.