Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Ciidanka NISA ee degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud, halkaas oo tababar loogu qabanayo ciidamo ka tirsan Hay’adda.
Intii uu ku guda jiray kormeerka, Agaasime Mahad Maxamed Salaad ayaa la kulmay ciidamada ku jira tababarka, isagoo kula dardaarmay inay si buuxda uga dhabeeyaan waajibaadka iyo ballanqaadka ay u qaadeen difaaca dalka, shacabka Soomaaliyeed iyo diinta.
Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale ciidanka kula dardaarmay inay muujiyaan anshax, hufnaan iyo masuuliyad, isla markaana ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.
Agaasime Mahad Salaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa haatan ku sugan degmada Balanballe, iyadoo degmadaasi ay maalmaha soo socda martigelin doonto munaasabado waaweyn oo la xiriira dib-u-heshiisiinta iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada.
Kormeerka Agaasimaha NISA ayaa ku soo aadaya xilli degmada Balanballe ay isu diyaarinayso martigelinta munaasabadaha la filayo inay qayb ka noqdaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta bulshada deegaanka.