Man United Oo Ceyrineysa Paul Pogba Iskuna Diyaarineysa Iney Suuqa Ku Bixiso 200 Malyan Oo Pound – Yaa Liiska Ugu Jira Mourinho?

Man United ayaa suuqa ku bixineysa xagaaga oo aadan aduun dhan 200 Malyan oo Pound si ay ugu soo hesho ciyaartoy awood dheeraad ah kusoo kordhiya kooxda, tiiyoo ay jirto in Paul Pogba uu ka baxayo garonka Old Trafford.

Jose Mourinho ayaa lumiyay dulqaadkii uu u hayay Paul Pogba kaas oo muuqaallo aan looga baran garoomada kusoo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciyaartoyda Red Devil qaarkood ay ka careysan yahiin dhaqanka xiddiga reer France.

Sidoo kale kooxda waxaa jooga ciyaartoy waaya arag ah oo kasoo hoos ciyaaray Sir Alex Ferguson waxaana ka mid ah: Michael Carrick oo hawlgab noqonaya iyo sidoo kale xidigaha Cris Smalling, Ashley Young iyo Phil Jones.

Jose Mourinho wuxuu ka warqabaa in xilli ciyaareedka soo aadan looga fadhiyo koob weyn, wuxuuna bartilmaameed ka dhigtay afar ka mid ah xidigaha ka qeyb galaya koobka Aduunka ee Russia ka dhici doona bartamaha sanadkaan.

Laba ka mid ah waxey ka tirsan yahiin Real Madrid [Toni Kroos & Raphael Varane] iyo sidoo kale xidigaha reer Brazil Marquinhos (PSG) iyo Alex Sandro (Juventus).

Raphael Varane waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 70 Malyan oo Pound, wuxuuna xiriir fiican la leeyahay Joe Mourinho maadaama uu 2011 kusoo biiriyay Los Blancos.

 

Sidoo kale Toni Kroos oo 2014 kula guuleystay Jarmalka koobka Aduunka ayaa ku jira liiska ciyaartoyda laga doonayo garoonka Old Trafford si uu badal ugu noqdo Paul Pogba

Mourinho qorshahiisa sidoo kale waxaa ku jira inuu Juventus kasoo qaato xiddiga lagu qiimeeyo 45 Malyan oo Pound Alex Sandro si uu booska Luke Shaw oo u muuqda mid ka baxaya Old Trafford u buuxiyo.

Dhanka kale Real Madrid & Paris Saint Germain ayaa xiiso u kala qaba Paul Pogba iyo David de Gea, waxaana suuragal ah in heshiisyada xidigahaan lagu doonayo ay la fal-galaan.