Man United Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Soo Gaadhay Crystal Palace Oo Laba Gool Kaga Hormartay, Nemanja Matic Oo Indhaha Xaday Iyo Red Devils Oo Kaalinta Labaad Ku Soo Noqtay.

Manchester United ayaa guul soo laabasho cajiib ah ka soo gaadhay kooxda Crystal Palace oo ilaa daqiiqadii 55 aad hogaanka ciyaarta ku haysay 2-0 waxaana soo laabashada Man United bilaabay Chris Smalling oo keenay goolka rajada United soo nooleeyay laakiin Ronelu Lukaku ayaa raacsaday goolka ay United ciyaarta ugu soo laabtay.

Laakiin Nemanja Matic ayuu ahaa xidiga indhaha ku xaday gool cajiib ah oo yimid waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta wuxuuna ahaa gool qalbi jabiyay kooxda Crystal Palace laakiin waxaa in United ay ciyaarta ku soo laabto door wayn ku lahaa David De Gea oo fursado halis ah ka beeniyay Palace. United ayaa dib ugu soo laabtay kaalinta labaad ee Premier League.

DAQIIQADII 6 AAD Man United ayaa ku dhawaatay in ay hesho goolka furitaanka laakiin fursada uu Alexis Sanchez goolkan ku dhalin lahaa ayuu badbaadiyay goolhaye Hennessey  kaas oo kooxdiisa Crystal Palace ka joojiyay fursad haddii ay gool noqon lahayd ay dhibaato wayn ku mari kartay.

DAQIIQADII 11 aad Crystal Palace ayaa heshay goolka furitaanka kadib markii uu Townsend kubbada ka soo darbeeyay banaanka xerada ganaaxa Manchester United isla markaana uu kubbada sii leexiyay Lindelof taas oo sabab u noqotay in David De Gea aanu wax badbaadin ah samayn, waxaana caawinta goolkan sameeyay Benteke  waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Eagles hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 18 AAD Crystal Palace ayaa ku dhawaatay in ay hesho goolkeeda labaad laakiin fursad uu goolkan ku dhalin lahaa ayuu goolhaye Sorloth si fiican u badbaadiyay si ayna kooxdiisu musiibo kale u sii dhex galin.

Intaa wixii ka danbaysay waxay Manchester Uited dagaal ugu jirtay sidii ay goolka barbaraha ku keensan lahayd ka hor waqtiga nasashada laakiin Crystal Palace ayaa doonaysay in ay wax qalad ah samayn isla markaana ay hogaanka ilaashato halka ay sidoo kale raadinaysay goolka labaad.

Man Unnited ayaa qaybtii hore ee kulankan ku fashilantay in ay bartilmaameedyo fiican samayso iyada oo guud ahaan laba darbo oo kaliya ku tuurtay goolka Crystal Palace waana rekoodhkii ugu liitay xili ciyaareedkan ee dhamaan kooxihii soo booqday Crystal Palace.

Wax walba oo ay Manchester United iskugu dayday in ay ciyaarta dib ugu soo laabto qaybtii hore ee kulankan ayay ku fashilantay waxayna natiijo aad u fiican u ahayd Crystal Palace in qaybtii hore ay Manchester United 1-0 hogaanka ciyaarta kaga haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Man United doonaysay in ay raadiso goolka barbaraha halka Crystal Palace ay doonaysay in ay hogaanka ciyaarta ilaashato isla markaana ay goolal kale ku raadiso weerar deg deg ah.

DAQIIQADII 48 aad Crysal palace ayaa Manchester United kaga yaabsatay goolka labaad kadib markii uu van Aanholt  uu kooxdiisa Palace u saxiixay goolka labaad isaga oo caawin ka helay Schlupp  waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay si lama filaan ah Crystal Palace hogaanka ugu dheeraysatay.

DAQIIQADII 55 AAD Chris Smalling ayaa noqday dhiiro galiyaha Manchester United kadib markii uu gool madax oo qurux badan ku dhaliyay kubbad qiyaas fiican ku socotay oo uu Antonio Valencia soo karoosay isaga oo difaaca Crystal paalce ku ciqaabay qalad wayn oo sameeyeen wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay wali Palace hogaanka ciyaarta ku hayso.

DAQIIQADII 66 AAD Valencia ayaa markale kubbad halis ah u bixiyay Paul Pogba kaas oo darbo qurux badan ku wareejiyay goolka Crystal Palace laakiin goolhaye Hennessey ayaa kubbada si xoogan iskaga joojiyay waxayna United dagaal xoogan u gashay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

DAQIIQADII 67 AAD Mourinho ayaa hal mar kaydka ka soo wada kiciyay Luke Shaw iyo Juan Mata wuxuuna ciyaarta ka saaray Ashley Young iyo Antonio Valencia waxayna United awooda iskugu gaysay sidii ay goolka labaad ee barbaraha ku keensan lahayd taas oo Crystal Palace ku qasabtay in ay difaaca iskugu ururto.

DAQIIQADII 76 AAD Man United ayaa ugu danbayn dhamaystirtay dagaalka ay meesha fog ka soo qaaday waxaana goolka barbaraha u keenay Romelu Lukaku oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu Sanchez birta goolka ku garaacay oo soo booday isaga oo inta uu difaaca Palace waabiyay ugu danbayn shabaqa gaadhay wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah.

DAQIIQADII 77 AAD David De Gea ayaa si layaableh gool cadaan ah uga beeniyay Benteke kaas oo u muuqday in uu markiiba ka jawaabay goolka Lakaku wuxuuna Benteke arkay darbo uu gool u fishay oo uu De Gea si cajiib ah u joojiyay.

DAQIIQADII 90+1 Nemanja Matic ayaa gool cajiib ah indhaha ku xaday isaga oo darbo ka soo tuuray meel 25 yards u jirtay goolka Crystal Palace wuxuuna si fiican u garaacay goolhaye Hennessey wuxuuna Matic dhaliyay goolka ay sida layaabka leh kooxdiisa Man United guusha ugu soo gaadhay isaga oo si waali ah jamaahiirta kooxdiisa ula dabaal degay taas oo keentay in kaadhka digniinta ah lagu siiyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-2 ay Manchester United ku qalbi jabisay Crystal Palace oo 2-0 hogaanka ciyaarta ku haysay intii ka horaysay daqiiqadii 55 aad waxayna United ka soo kabsatay dhiabatada wayn ee ay ku dhex jirtay waxayan guushani ka caawisay in ay kaalinta labaad ka soo ceshatay Liverpool oo ay kulanka soo socda ku kala calaf qaadi doonaan.