ManUnited Oo U Soo Baxday Afar Dhamaadka FA Cupka, Romelu Lukaku Iyo Nemanja Matic Oo Guuldaro Baday Brighton Iyo Red Devils Oo Guuldaradii Savilla Ka Soo Kabsatay.

Manchester United ayaa u soo baxday afar dhamaadka tartanka Emirates FA Cupka kadib markii ay kooxda Brighton ku garaacday Old Trafford.Kooxda Jose Mourinho ayaa ka soo kabsatay guuldaradii Sevilla ee UEFA Champions League waxaana guushan ku hogaamiyay Romelu Lukaku iyo Nemanja Matic oo min hal gool dhaliyay.

Man United ayaa afar dhamaadka FA Cupka kula biirtay kooxda Tottenham guul wayn ka gaadhay Swansea City waxayna sugi doonaan kulamada Leicester City vs Chelsea iyo Wigan Athletic Vs Southampton labada kooxood ee ka soo bixi doona.

 

DAQIIQADII 37 aad Manchester United ayaa ugu danbayn jabisay iska caabintii xooganayd ee ay kooxda Brighton ciyaarta ugu bilaabtay waxaana goolkan Red Devils u saxiixay Romelu Lukaku oo dhamaystiray kubbad caawin fiican oo uu Matic sameeyay iyada oo Luka Shaw uu markii hore shaqada soo bilaabay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Man United hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Kooxda Brighton ayaa si adag u ciyaartay laakiin hal qalad oo ay samaysay ayaa sabab u noqday in goolkan laga dhaliyay waxayna abuurtay fursado fiican oo ay goolal ku dhalin kartay laakiin Manchester United oo laga filayay in si xoogan ay uga jawaab celin doonto guuldaradii Sevilla ayaan wax badan qaab ciyaareedkeeda sare u qaadin.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag laakiin kooxda Jose Mourinho uu isbadalada ku sameeyay ayaa awooday in qaybtii hore ee ciyaarta ay 1-0 ku haysay inkasta oo wali kulanku ahaa mid aan si rasmi ah loogu kala baxin maadaama oo ay Brighton shaqo badan qabanaysay.

Markii laysugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayuu Jose Mourinho kooxdiisa ka reebay Luka Shaw wuxuuna soo raaciyay Ashley Young laakiin kooxda Brighton ayaa soo laabtay iyada oo si xoogan u raadinaysay qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Manchester United ayaa ka cabsi qabtay in dadaalka badan ee Brighton uu sabab u noqdo in ay la timaado goolka barbaraha laakiin kooxda martida ahayd ayaa ku fashilantay in ay dhamaystir fiican samayso iyada oo ahayd kooxda bartilmaameedka goolka iyo waliba darbooyinka ugu badan garoonka ka samaynaysay.

DAQIIQADII 75 AAD Jose Mourinho ayaa badalkiisa labaad ka dhigtay Marcus Rashford  isaga oo badalay Juan Mata waxayna Brighton kaga jawaabtay badalkii la sugayay iyada oo Murray uu ugu danbayn garoonka soo galay waxaana la saaray L. Ulloa.

DAQIIQADII 83 AAD Nemanja Matić ayaa ciyaarta si rasmi ah u go’aamiyay kadib markii uu dhaliyay goolka ay sida wayn Man United ugu baahida qabtay si ay ciyaarta hurdada ugu dirto isla markaana ay rajada Brighton cirka ku laasho, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Ashley Young oo ciyaarta badal ku soo galay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Man United kalsooni buuxda ku heshay.

Ugu Danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Man United ku garaacday kooxda Brighton waxayna guushan Man United ka caawisay in ay u soo baxdo afar dhamaadka FA Cupka waxayna wareegan kula sii biirtay Tottenham oo Swansea City dhinac iskaga dhigtay halka ay soo kala bixi doonaan kooxaha Chelsea & Leicester City si la mid ah Southampoton iyo Wigan.