Maraykank oo Tiradda Milliteriga Ka Jooga Somalia Iyo Dalal Kale Dhimiya

Taliyaha Taliska Ciiddanka Mraaykanka ka jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas  Waldhauser waxa uu sheegay in la yareyn doono Ciiddanka Maraykanak ee Hawlgalladda Khaaska ka fuliya dalal ku yaalla Qaaradda Afrika.

Wareysi uu siiyey Wargeyska The New York Times isagoo ku sugan Xarunta Dhexe ee Ciiddanka AFRICOM oo ku taalla Jarmalka waxa uu faahfaahiyey Qorshihiisa lagu dhimayo tirada Ciiddankaasi, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inaysan micnaheedu ahayn inay Maraykanka ka fogaanayaan dalalka Afrika.

“Annaga uma socono inaan ka fogaano Afrika, balse waxay Maraykanka weli xaq u leeyihiin inay ku soo laabtaan, si ay u badbaadiyaan Danahooda” ayuu yiri Taliyaha Taliska Sare ee AFRICOM.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Milliteriga Maraykanka muhiimad siinayaan Khataraha kale ee kaga imaan karaa dalal ay ka mid yihiin Raashiya iyo Shiinaha, oo ay Maraykanka u arkaan kuwo khatar ku ah Danaha Maraykanka.

Jeneral Thomas  Waldhauser waxa kale oo uu sheegay inuu Qorshihiisu ka mid yahay in Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee ka hawlgala Somalia iyo dalal kale la dhimo 35% 18-ka bilood ee soo socda iyo in 50% la sii yareeyo saddexda sanno ee soo socota.

Wxaa kale oo uu intaasi ku daray in tirdaa Milliteriga Maraykanka ee La-dagaalanka Kooxaha Islaamiyiinta lagu soo koobi doono 700 Askari, taasi oo ah tiradii Ciiddanka Maraykanka ee ku sugnaa Qaaradda Afrika sannadkii 2014-kii.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo 4 Askari oo Maraykan ah lagu dilay dalka Nayjar, halka mid kalena bishi iJune looga dilay duleedka magaalladda Kismaayo ee dalka Somalia.

Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM wxaay Hawlgallo dagaal kula jiraan Dagaalamayaasha Daacish, Alshabaab, Al-qacida iyo kuwa kale ee ka hawl-gala dalalka Bariga iyo Waqooyiga Afrika.

In ka badan 7,300 Askarta Khaaska ee Maraykan  ayaa ka hawl-gala guud ahaan Caalamka, kuwaasi oo 1,200 o oka mid ah ay Hawlgalo ka fuliyaan dalal ay ka mid yihiin Somalia, Yemen, Libya, Niger iyo Cameroun iyo kuwo kale