Maraykanka Oo Arin Ka Balanqaaday Dagaalka Falastiin.

Waxaa bannaanka usoo baxay wararka sheegaya in Dowladda Maraykanka ay damacsan tahay in ay dhaqaalaha ka jarato Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Falastiin ee loosoo gaabiyo UNRWA sabab la xiriirta in ay daboolka ka qaadday tacadiyada ka dhacay Dhulka Falastiiniyiinta.

Maraykanka ayaa go’aankiisa ku dahaaray in xubno katirsan Hay’adda UNRWA ay ka qaybgaleen dagaalkii 7dii Oktoobar 2023 lagu beegsaday saldhigyada & xarumaha Israaiil isla markaana bannaanka soo dhigay awoodda jilicsan ee Yuhuudda laguna soo qafaashay Maxaabiis intooda badan gacanta Kooxaha hubaysan ku jira.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Falastiin u qaabilsan UNRWA ayaa lagu sheegay in ay cayrisay qaar kamid ah shaqaalaheeda halka baaritaan xooggan ay ku haysto kuwo kale oo looga shakiyay in ay qayb ka qaateen dagaalka ka socda Dhulka Falastiin ee dhimashada, dhaawaca & burburka badan dhaliyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutteres ayaa sheegay in uu aad uga naxay warkaan soo baxay ee sheegaya in howlwadeenno katirsan Hay’adda UNRWA ay qayb ka qaateen dagaalkii Xamaas ay ku beegsatay Saldhigyada Ciidanka Israaiil ee dhabar-jabka wayn geliyay ciidankooda.

Xamaas ayaa gacanta ku haysa Maxaabiis u badan ciidan oo ay kusoo qabsatay weerarkii ay ka gaysatay xeryaha & goobaha inta badan Yuhuuddu ku faanaysay in amnigooda uu adag yahay ee Dhulka Falastiin ay ka haysato, waxaa guuldaraystay iskudaygii lagu soo furan lahaa sida ay qireen mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Netanyahu.