Maraykanka Oo Cambaareeyey Qarixii Dhawaan Ka Dhacay Garoonka K/Cagta Ee Magaalladda Baraawe

Hadal-qoraal oo uu  Hawlgalka Maraykanka ee Somalia maanta soo dhigay Bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inay si kulul u cambaaraynayaan Qaraxii maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ka dhacay Garoonka magaalladda Baraawe ee Gobalka Sh/hoose,  oo ay 5 Ciyaartoy ku geeriyootay, halka ay Tobanaan kale ku dhaawacmeen.

Hawlgalka Maraykanka ee Somalia US mission in Somalia) waxay kalooNA sheegeen inay Tacsi u dirayaan  dhamaan Qoysaska iyo saaxiibadda dadkii ku geeriyodoay qaraxaasi, waxayna kuwii dhaawacmay u rajeeyeen Caafimaad Degdeg ah

Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarixii ka dhacay Garoonka magaalladda Baraawe.