Maraykanka oo qiray in ciidankiisa ay isaga baxayaan Dalka Niger.

Dowladda Maraykanka ayaa war kasoo saartay warar la isla dhexmarayay muddooyinkii u dambeeyay oo ahaa in ciidamada ameerikaanka ay isaga baxayaan Dalka Niger kaddib markii labada Dowlad ay isku fahmeen in askartaas ay baxaan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in Xukuumadda Washington ay aqbashay soo jeedinta Niger ee la xiriira soo afjaridda heshiiska ciidamada ameerikaanka u ogolaanaya in ay sii joogaan Dalkaas.

Waxa uu intaas kusii daray in Militariga Niger ay bishii hore Maarso 2024 ay la galeen heshiis muujinaya isku filnaashiyaha ciidamada Dalkaas si loosoo afjaro caawinta Militari ee Maraykanka uu siinayay Dalkaan dhaca Qaaradda Afrika.

Gen. Pat Ryder oo u hadlay Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay in kahor in aanay bixin ciidamadooda ay diyaariyeen wafdi ka socda Xukuumadda Washington oo la kulmi doonna saraakiisha Militariga Niger si loo saldhigo arrintaan.

Awoodda Maraykanka ee Qaaradda Afrika gaar ahaan dhinaca Waqooyiga ayaa hoos u dhacaysay wixii ka dambeeyay weerarkii Ruushka uu ku qaaday Dalka ay xad-wadaagga yihiin ee Ukraine kaddib markii Moscow ay kordhisay cilaaqaadka dalal badan oo Afrika ah.