Ciidamada militariga Maraykanka ayaa sheegay inay garaaceen markab Iran leedahay oo lagu tilmaamay drone carrier, kaas oo qaada diyaarado drone ah oo loo adeegsado hawlgallo militari.
Bayaan uu soo saaray Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa lagu sheegay in markabka la weeraray uu hadda dab qabsaday kadib weerarka.
CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Maraykanku ay sii wadaan hawlgalladooda militari ee ka dhanka ah ciidamada badda Iran.
“Ciidamada Maraykanku ma joojinayaan hawlgallada ilaa laga wiiqo awoodda ciidamada badda Iran,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen.
Warbixintu waxay sheegtay in markabka la weeraray uu ahaa mid aad u weyn, qiyaastii la eg maraakiibta diyaaradaha qaada ee la isticmaali jiray intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Si kastaba ha ahaatee, CENTCOM ma aysan sheegin goobta saxda ah ee weerarka ka dhacay.
Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Maraykanka ayaa muujinaya markabka Iran oo qiiq weyn ka baxayo, taas oo muujinaysa in weerarku sababay dab iyo burbur.
Dhacdadan ayaa imaanaysa xilli dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israel iyo Iran uu galay maalintiisii toddobaad, iyadoo xiisadda militari ee Bariga Dhexe ay sii kordheyso.
