Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, taas oo la sheegay in lagu dilay dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba.
Kooxda Al-Shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo afduub ay ku heysteen ay ku dhinteen duqayn ay magaalada Jilib ka gaysteen diyaaradaha Maraykanka.
Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayey ku sheegteen inay jirto duqeyn ay 15-kii Febraayo ka gaysteen meel u dhow Jilib, sidoo kale ay maqleen warka sheegaya dhimashada dhakhaatiirtaas, balse aysan heyn wax cadeyn ah.
Mareykanku wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyey in bartilmaameedka duqayntaas uu ahaa kooxda Al-Shabaab, balse ay sii baarayaan hadii ay jiraan dad rayid ah oo ku geeriyooday.