Maraykanka oo weerar ku qaaday xuutiyiiinta yemen.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay isticmaalayeen kooxda Xuutiyiinta iyo weliba gantaallada lagu weeraro maraakiibta oo yaallay gudaha Yemen iyo badda cas.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii la sheegay inay halis degdeg ah ku yihiin gaadiidka ganacsi iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Milateriga Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay soo rideen qaar ka mida diyaaradaha yaryar ee droneska oo xilligaas dul heehaabayey markab ganacsi oo marayey badda cas.

Maraykanka ayaa weerarkan fuliyey Khamiistii iyo Jimcihii.