Marcos Alonso Oo Noqday Shaqsigii Sadexaad Ee Qoyskiisa Kaas Oo Looga Yeeray Xulka Spain & Xogtii Laga Helay Aabahiis & Awoowgiis.

Shalayto waxey aheyd maalin uusan waligiis iloobi doonin Marcos Alonso maadaama markii ugu horeysay looga yeeray xulka Spain, waxeyna dhalisay in dib loo xasuusto taariikhda qoyskiisa maadaama uu noqday shaqsigii sadexaad ee nasiibka u yeeshay inuu ka mid noqdo liiska ciyaartoyda La Roja.

Marcos Alonso Imaz ayaa ah awoowgiis kaas oo kontomeeyadii ka mid noqday xulka La Roja, sidoo kale aabahiis Marcos Alonso Pena ayaa isna xubin muhiim ah ka noqday xulka sideetamaadkii, hadana Marcos Alonso ayaa nasiib u yeeshay in 2018 looga yeero qaranka kadib bandhigiisii wacnaa ee kooxdiisa Chelsea.\

AWOOWAHA:

Marquitos wuxuu ka tirsanaa Real Madrid kontoomeeyadii isagoo la qaaday shan European Cup iyo sidoo kale shan La Liga, markii ugu horeysay 1955 ayaa looga wacay qaranka La Roja, sidoo kalana 1960-kii ayuu mar kale kasoo muuqday.

AABAHA:

Marcos Alonso Pena waxaa loo yeeray 35-jeer, balse 22-jeer ayuu saftay, markii ugu fiicneed wuxuu ka qeyb galay ololahii ay ugu soo baxeen koobkii qaramada yurub ee 1984. Waqti badan ayuu ku qaatay Racing Standard, sidoo kalana Atletico Madrid & Barcelona ayuu waqti ku qaatay.

WIILKA:

2018, waxaa nasiib u yeeshay in qaranka looga yeero Marcos Alonso, 2009 ayuu matalay xilli 19-jirada xulka Spain, balse hadda wuxuu bandhigiisa wacan ee Premier League ku muteystay in looga yeero qaranka waaweyn.

Rajo fiican ayuu leeyahay Marcos Alonso inuu aado Russia hadii aysan dhibaatooyin kale lasoo darsin.