Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed Marwo Hawo Ahmed Hassan oo ay wehliso Maareeye ku xigeenka hay’adda Marwo Suuban Abdi Nur Gaas iyo Masuuliyiinta kale ee hay’adda ayaa maanta xafiiska dhexe ku soo dhaweeyey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolajiyada Mudane Hussien Ahemd Ulusow, Mareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Sheekh iyo Masuuliyiin kale.
Soo dhaweynta kadib Mareeyaha Hay’adda Taya-dhawrka Marwo Hawo Ahmed Hassan iyo Maareeye Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustaf Yasiin Shekh ayaa heshiis ku kala saxiixday xarunta hay’adda waxaana goob joog ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Isgaarsiinta iyo Tiknoloajiyada Mudane Hussien Ahemd Ulusow iyo Masuuliyiin kale
Ujeedada hishiiskan ayaa ah in la sameeyo habraac mideysan oo lagu maareeyo soo dejinta qalabka isgaarsiinta elektarooniga ah ee la keeno Jamhuriyada Federelka Soomaaliya. Gaar ahaan, Hishiiskan wuxuu abuurayaa qaabdhismeedka iskaashi ee dhex maraya labada hay’adood ee ku aadan arrimaha soo socda:
Dhismaha halbeegyada iyo heerarka qalabka elektarooniga isgaarsiinta (standardization of electronic comunicaiton equipments) iyo ogolaanshaha nooca qalab isgaarsiineed ee Soomaaliya la keeni karo (Type Approval Certificate).
