Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay wada-hadallo rasmi ah la yeeshay dowladda Mareykanka oo ku saabsan maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee deegaannada Puntland, gaar ahaan dhinacyada macdanta iyo shidaalka.
Kulamo dhexmaray wafdi ka socday Mareykanka iyo madaxda Puntland ayaa lagu falanqeeyay fursadaha maalgashi ee ku jira kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo la sheegay in shirkado Mareykan ah ay daneynayaan sahaminta, soo saarista iyo maalgelinta shidaalka iyo macdanta ku jirta deegaanada maamulkaasi.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgashi caalami ah oo gacan ka geysta ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.
Wafdiga Mareykanka ayaa dhankooda muujiyay xiisaha shirkadaha Mareykanka ay u qabaan maalgelinta kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland, iyagoo tilmaamay in iskaashi dhaqaale iyo maalgashi uu door weyn ka qaadan karo horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka labada dhinac.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu doonayo in si rasmi ah looga faa’iideysto shidaalka iyo macdanta laga helay qaybo kamid ah deegaanada Puntland, iyadoo maamulka Puntland uu horey u shaaciyay qorshayaal la xiriira horumarinta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah.